
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kormeer ku tagay waddada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow oo lagu dhisayo isku tashi, taas oo dhan qiyaastii 120 kiiloomitir (km).
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay sida dadka ku dhaqan deegaannada ay marto waddada ay diyaar ugu yihiin dhismaha waddada iyo sida ay u gacan siinayaan hay’adaha dowladda ee shaqada haya.
Madaxweynaha Jubaland ayaa xusay in dhismaha waddadan uu tusaale u noqon doono sida dadka reer Jubaland iyo dowladdooda ay uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha bulshada.

Dhanka kale madaxweyne Axmed Moobe wuxuu booqday deegaanada Miido, Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu kormeer ugu tagay ciidanka daraawiishta Jubaland ee saldhig ku leh deegaannadaas.
Kormeerkan waxaa madaxweynaha ku wehelinayay taliyaha guud ee ciidanka daraawiishta Jubaland Gen. Ismaaciil Saxardiid, sarakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan iyo mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kale ee dowladda Jubaland.
PUNTLAND POST