Sanbaloolshe iyo ciidan uu wato oo gaaray Beledweyne

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo ay galbinayaan gaadiid dagaal.

Sanbaloolshe oo ka yimid dalka Itoobiya ayaa isaga iyo ciidamada uu wato ay gobolka Hiiraan ka soo galeen dhanka xadka, gaar ahaan deegaanka Feerfeer.

Sanbaloolshe wuxuu dhawaan sheegay in uu dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay madaxweynaha Puntland, Jubaland iyo Somaliland, islamarkaana ka codsaday in ay taageeraan qorshaha reer Hiiraan.

Hore waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa ciidamo Macawisley ah, kuwaas oo dhawaan qabsaday xurumihii dowladda federaalka iyo kuwii maamulka Hirshabeelle ee ku yaallay magaaladaas.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ay dhawaan ku goodiyeen in ay samaynayaan maamul cusub oo ka madaxbannaan Hirshabeelle.

PUNTLAND POST