
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii uu xilka uga qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Baashe ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ku dhaqmo dastuurka dalka, ilaaliyana madaxbannaanida hay’adaha garsoorka iyo sarraynta sharciga.
Dhanka kale Baasha ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ay go’aan ka soo saartay dacwaddii dastuuriga ahayd ee u dhaxaysay madaxweyne hore Sheekh Shariif Axmed iyo hay’adaha dowladda federaalka.
Baashe ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka iyo labada gole ee baarlmaanka uu xilku ka dhamaaday, muddada xil hayntoodana ahayd afar sano.
Baashe wuxuu xusay in xukuumadda federaalka ay tahay cidda keliya ee leh awood xilgaarsiin oo ku kooban shaqooyinka maalinlaha.
Wuxuu sheegay in Maxkamadda Sare farayso dhinacyada ay qusayso doorashada in ay muddo 30 berri gudahood ku gaaraan heshiis wadar ogol ah, islamarkaana ay 90 berri gudahood ku qabtaan doorashada.
Hoos akhari bayaanka Baashe iyo go’aaanka la sheegay in ay soo saartay Maxkamadda Sare.







PUNTLAND POST