
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay madaxda hay’adaha amni iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Puntland.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada, kulanka waxaa looga hadlay amniga guud ee Puntland, sida dhammeystirka howlgalka Calmiskaad, diyaargarowga howlgalka Onkod ee Calmadow iyo la dagaalanka Burcad-badeedda.
Sidoo kale waxaa la xusay in kulanka looga hadlay isbadellada amni ee ka soo kordhay qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Puntland sheegtay in ay si dhow ula socoto.
Kulanka waxaa ka qaybgalay la-taliyaal madaxweyne iyo khuburo amni, wuxuuna ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Garoowe.












PUNTLAND POST