
Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka tirsan xisbiga JSP.
Qoraal ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu tixgaliyay cabasho ka timid garsoorayaasha dalka, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga.
Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday Baashe Yuusuf Axmed wuxuu hadda gacanta ku hayay kiis dacwad ah oo la xiriiray wax ka baddelka lagu sameeyay dastuurka, kaas oo ay gudbiyeen siyaasiyiinta mucaaradka.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa xilkan hore u soo qabtay, isaga oo hayay intii u dhexaysay 2016-2018.
PUNTLAND POST