
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xillka qaaday labo xubnood oo ka tirsan golihiisa wasiirrada.
Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu xilka qaaday wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud, dib-u-dhiska & guriyeynta Saciid Maxamed Maxamuud iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Fartuun Cabdiqaadir Faarax.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in tallaabadan la xiriirto hannaanka daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga, iyada oo sidoo kale la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta habsami u socodka howlaha labada wasaaradood.
Xilka qaadista waxay dhaqan gashay kaddib markii uu saxiixay Ra’iisul Wasaare Xamse, iyada oo aan la shaacin sababaha xubnahan xilka looga qaaday.
PUNTLAND POST