Ilhaan Cumar oo markii 5-aad ku guuleysatay kursiga Aqalka Wakiillada Maraykanka

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa markii shanaad ku guuleysatay kursiga Aqalka Wakiillada Maraykanka, kaddib markii ay musharraxa xisbiga Jamhuuriga John Nagel kaga adkaatay doorashadii degmada 5-aad ee gobolka Minnesota.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa degmada 5-aad oo ka kooban magaalada Minneapolis iyo xaafadaha ku dhow matalaysay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Guusha Ilhaan Cumar waxay dhabar jab weyn ku tahay madaxweyne Trump oo tan iyo xilligiisii hore ay bartilmaameed u ahayd hadallada uu ku weeraro Soomaalida.

Madaxweyne Trump wuxuu dhawaan soo maleegay mu’aamarad ka dhan ah xildhibaan Ilhaan Cumar, taas oo markii dambe fashilantay.

PUNTLAND POST