Puntland oo difaacday joogitaanka Itoobiyaanka ku sugan deegaannadeeda

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa difaacay joogitaanka dadka Itoobiyaan ah ee ku sugan deegaannadeeda Puntland, kuwaas oo maalmihiil la soo dhaafay la hadal yahay.

Wasiir Qarjab wuxuu sheegay in aysan macquul ahayn in dadka Itoobiyaanka ah laga saaro deegaannada Puntland, iyada oo kumanaan reer Puntland iyo Soomaali ah oo arday u badan ay ku sugan yihiin deegaannada Itoobiya.

Wasiirka ayaa tilaamay in Puntland hadda kaddib diiwaangelin doonto dadka Itoobiyaanka ee ku sugan deegaannadeeda, iyada oo u aqoonsan doonta qaxooti.

Wasiir Qarjab oo shalay hadal ka jeediyay xarunta baarlamaanka ayaa yiri “Maalin dhaweyd waxaa i soo wacay qunsulka inaga noo jooga Itoobiya. Wuxuu igu yiri qaylo ayaa ka soo yeeraysa Puntland, oo la leeyahay dadka Itoobiyaanka ah hala celiyo. Wuxuu yiri ma ogtahay in ilaa shan kun oo reer Puntland ah ama Soomaaliya ka yimid ay wax ku bartaan Itoobiya oo jaamacado kala duwan uga baxeen, oo sidoo kale ka dhoofaan”.

“Looma baahna iska laab-lakac, Puntland hadda way diiwaangelisaa qaxootiga dalka soo gala” ayuu raaciyay.

Tan iyo intii uu bilowday dagaalka Mooyaale ee u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada waxaa qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida ka jiray kacdoon looga soo horjeedo Itoobiyaanka.

PUNTLAND POST