Maraykanka: Xisbiga Dimuqraadiga oo ku guuleystay labada aqal ee Koongareeska

Natiijada hordhaha ah ee doorashada Maraykanka ayaa muujinaysa in xisbiga mucaaradka ah ee Dimuqraadiga uu ku guulaystay doorashada xilliga dhexe ee dalkaas oo lagu soo dooranayay xubnaha labada aqal ee Koongareeska.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa Aqalka Senate-ka oo ka kooban 100 xubnood ka helay 53 senator, taas oo muujinaysa in uu ku guuleystay Aqalka Sare.

Sidoo kale natiijada hordhaha ah waxay sheegaysaa in xisbiga Dimuqraadiga uu helay 222 ka mid ah Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 xildhibaan, taas oo iyana muujinayso in uu ku guulaystay Aqalka Hoose ee Maraykanka.

Doorashadan maahan mid uu ku dhacayo madaxweyne Trump, balse waxa ay qaabaynaysaa inta u hartay xukunkiisa (labo sano), maadaama ay mucaaradka heleen aqlabiyadda Koongareeska.

Xisbiga talada haya ee Jamhuuriga ayaa hore u haystay aqlabiyadda labada aqalka ee Maraykanka, waxayna natiijada doorashada xilliga dhexe ay dhabar jab weyn ku tahay madaxweyne Trump.

PUNTLAND POST