
Golaha Wasiirada Puntland ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2027, taas oo dhan $308,213,973 (Saddex Boqol iyo Sideed Milyan, Labo boqol saddex iyo toban kun, Sagaal boqol todobaadan Saddex Doollar).
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, miisaaniyadda 2027 waxaa lagu dhisay qorshaha kor u qaadista dakhliga iyo maareynta saameynta dhaqaale ee colaadaha bariga dhexe, iyada oo intaas lagu daray in aysan jirin wax xuquuqaad ah oo dhimis lagu sameeyay.
Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sanadka 2027 waxay hoos u dhacday $7,569,371 oo u dhiganta 2.4% marka la barbardhigo miisaaniyaddii hore ee 2026 oo dhamayd $315,783,344.
Miisaaniyadda dowladda Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyay hoos u dhacaysay, taas oo loo aanaynayo deeqihii caalamka oo qaarkood istaageen iyo khilaafka u dhexeeya u Puntland iyo Federaalka oo saameeyay mashaariicda horumarineed.

PUNTLAND POST