Axmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay Kismaayo iyo kolonyadii soo dhawaysay oo lagu arkay ambalaasyo

Madaxweynaha Jubaland oo muddo safar ugu maqnaa dalka badadiisa, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Moobe waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ka soo qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen labo gaari oo gurmadka degdegga ah (Ambulances), kuwaas oo dadka qaarkiis ku abuuray shaki la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu dhawaan Kenya iyo Imaaraadka kulamo kula yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka, shirarkaas oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka lagu muransan yahay.

Imaanshaha madaxweynaha Jubaland ayaa ku soo aaday, xilli dhawaan uu madaxweyne Xasan Sheekh gogol wada hadal u dhigay Golaha Mustaqbalka, Nabad & Nolol iyo Golaha Midnimo Qaran.

PUNTLAND POST