
Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan taliska Nugaal ayaa sheegay in uu qoryo sharci darro ah ku qabtay kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe.
Booliska Puntland wuxuu tilaamay in hubkan lagu safrinayay gaari kuwa xamuulka qaada ah, isaga oo baahiyay sawirada qoryaha iyo gaariga lagu qabtay.
Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa howlgal baaritaan iyo sugidda amniga ah oo ka socday barta hubinta gaadiidka ee Laacdheere, magaalada Garoowe, ku qabtay gaari nooca waaweyn, kaas oo siday qoryo sharci-darro ah”.
“Qabashada hubkan ayaa muujinaysa dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Booliska ugu jiraan ka hortagga hubka sharci-darrada ah, xakameynta falalka amni-darrada iyo sugidda nabadgelyada guud” ayaa la raaciyay.
Puntland waxay dhawaan mamnuucday qaadashada iyo iibinta hubka sharci darrada ah, iyada oo howlgallo arrintaas la xariira ka sameysay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn.
Puntland Post