Taliye Muumin oo kulan la qaatay saraakiisha Birmadka Booliska Puntland

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa maanta magaalada Garoowe kulan kula la qaatay saraakiisha Guutada Birmadka Booliska Puntland.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee horyaalla Guutada Birmadka, dib-u-eegista waxqabadkii la qabtay, guulaha la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo ciidanka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada Ciidanka Booliska, G/Sare Maxamuud Cabdikhaakiin Yuusuf, Taliyaha Guutada Birmadka Booliska, G/Sare Jaamac Maxamuud Yuusuf, Ku-xigeenka Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska, G/le Cabdirisaaq Axmed Jaamac, taliyeyaasha ururrada Guutada Birmadka, saraakiisha xafiisyada howlgelinta, xafiiska ciidanka iyo saraakiil kale.

Taliyaha Guutada Birmadka Booliska G/Sare Jaamac Maxamuud Yuusuf ayaa kulanka ka jeediyey warbixin ku saabsan hawlaha shaqo ee la qabtay iyo kuwa qorshaysan, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo laguna tayeynayo ciidanka Birmadka gaarka ah ee Booliska Puntland.

Taliye Muumin ayaa ballanqaaday in Taliska Booliska Puntland ay ka go’an tahay sii wadista tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta Guutada Birmadka, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo si hufan, firfircooni iyo daacadnimo leh.

PUNTLAND POST