Puntland oo qaadacday gogosha uu dhigay madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay gogosha wada hadalka arrimaha doorashooyinka ee dhawaan dhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Deni wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya in aysan niyad ka ahayn shirka uu ku dhawaaqay iyo in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu sheegay in ujeedada uu shirkaas ka leeyahay ay tahay in uu wax u kala furfuro ama uu ku gaaro marxad.

Madaxweyne Deni wuxuu markale ku baaqay in siyaasiyiinta iyo dadka samaha jecel ee Soomaaliyeed isugu yimaadaan shir looga arrinsado xaaladda dalka.

“Sidaan hore ugu dhawaaqnay reer Puntland haddaan nahay dadka samaha jecel iyo siyaasiyiinta talada dalka wax ku leh wax dambe oo Xasan laga dhowro ma jiraan, shirarkan uu leeyahay hala sugu yimaado maahan kuwa niyad ka ah sidii lagu yaqaanay, laakiin intii uu yaqaanay oo oran jiray dad baa ku lala furfurayaa ama marxalad baa ku gaarayaa waa dhaaftay” ayuu yiri madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST