Deni: Waxaan kula talinayaa Xasan Sheekh in uu is casilo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Deni ayaa farriin u diray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kala dhexeeyo khilaaf xooggan oo soo jiitamayay muddo afar sano ka badan.

Siciid Deni ayaa sheegay in uu kula talinayo madaxweyne Xasan Sheekh in uu is casilo, isaga ku eedeeyay in uu ku fashilmay isku haynta dadka iyo dalka iyo in uu qabto doorashooyin heshiis lagu yahay.

“Waxaan kula talin lahaa Xasan Sheekh, isaga oo dadka, dalka iyo tiisaba u turayo in uu is casilo, si loo helo Gole Ku-meelgaar ah oo ka shaqeeya doorashooyinka iyo ammaanka” ayuu yiri madaxweyne Deni oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Puntland.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid, iyada oo Puntland hore u sheegtay in ay Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsan tahay madaxweyne hore.

PUNTLAND POST