Macawisley oo la wareegtay xerada Lamagalay ee Beledweyne

Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawisley ayaa maanta la wareegay xerada Lamagalay ee magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku yaallaan xarumo dowladeed oo ay ka mid yihiin xarunta gobolka Hiiraan iyo saldhig ciidan oo leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Macawisleyda oo watay gaadiidka dagaalka waxaa horkacayay siyaasiin iyo ganacsato ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee hoggaamiye madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo ku sugnaa afaafka hore ee xerada Lamagalay ayaa u baneeyay maleeshiyaadka Macawisleyda, iyada oo aysan halkaas ka dhicin wax rasaas ama iska hor-imaad ah.

Sidoo kale maleeshiyaadka Macawisleyda ee gobolka Hiiraan ayaa farsiimo ka dhigtay banaanka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne.

Siyaasiyiinta Hiiraan ee mucaaridsan mamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan ku goodiyay in ay samaynayaan maamul cusub, waxaana la sheegay in dhaqdhaqaaqyadan cusub la doonayo in lagu tarxiilo mas’uuliyiinta Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Beledweyne.

PUNTLAND POST