Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerarkii Jameeco

Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo weerarkii Jameeco, islamarkaana lala xisaabtamo cid kasta oo qayb ka ah wixii dayac ah geeray ciidamada.

Farmaajo wuxuu xusay in weerarkii deegaanka Jameeco uu murugo weyn ku reebay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna ciidanka soo gaartay khasaare badan oo naf iyo maalba leh.

Wuxuu ku baaqay in dhaawacyada ciidanku helaan daryeel caafimaad, kuwa xaaladdoodu culus tahayna la gaarsiiyo xarumaha caafimaad ee dabooli kara baahidooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli faahfaahin rasmi ah ka bixin weerarkii Jameeco lagu laayay ciidamada, iyada oo aysan weli gudbin ciidamadii u socday degmada Buurhakaba.

PUNTLAND POST