Itoobiya oo heshay diyaaradaha dagaalka ee Su-35

Itoobiya ayaa kala wareegtay Ruushka 12 diyaaradood dagaal oo ah nooca casriga ah ee Su-35, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha la keenay hal sano ka hor waqtigii la qorsheeyey, islamarkaana ay xoojinayaan awoodda Itoobiya ee ka hortagga weerarrada.

Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegay in Itoobiya heli doonto afar nidaam oo difaaca cirka ah oo S-400 ah.

Diyaaradda dagaalka ee Su-35 (Sukhoi Su-35) waa mid ka mid ah diyaaradaha ugu casrisan jiilka afraad, taasoo ay soo saarto dalka Ruushka.

PUNTLAND POST