
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda safar kooban ku tago magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxweyne Deni wuxuu sida qorshaysan dhagax dhigi doona garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf oo ganacsato maalgashanaysa ay casri ah u dhisi doonto.
Sidoo kale madaxweyne Deni waxaa la filayaa in uu kormeer iyo qiimayn ku sameeyo biyo-saarka Gaalkacyo, iyada oo xilligan
ay magaalada dhex fadhiyaan biyo ay sababeen roobab todobaadyadii la soo dhaafay da’ay.
Puntland ayaa dhawaan sheegtay in roobabka El Nino ay daadad ku soo rogeen Gaalkacyo, islamarkaana ay sameeyeen goobaha muhiimka ah ee dadweynaha, sida xarumaha caafimaadka, suuqyada, goobaha waxbarashada iyo waddooyinka magaalada.
PUNTLAND POST