
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ururka Al-shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay weerarkii shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Jameeco oo u dhexeeya Balidoogle iyo Buurhakaba.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay ku dhowaad 75 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay 56 kale.
Sidoo kale Dowladda Federaalka waxay xustay in Al-shabaab gaadiid ay ka buuxiyeen walxaha qarxa ku weerareen gaadiidka ciidanka xoogga, taas oo sababtay waxyeello soo gaartay qaar ka mid ah gaadiidka ciidanka.

PUNTLAND POST