Maxay ka wada hadleen Islaan Ciise iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa xalay madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen 13 qof oo dowladda Turkiga dhawaan ku duqaysay xeebaha Garmaal iyo Jiifle ee gobolka Nugaal, sida aan ka soo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia.

Islaan Ciise ayaa la sheegay in uu ka codsaday Dowladda Federaalka in ay ka shaqayso sidii ay caddaalad u heli lahaayeen ehellada dadkii la laayay.

Puntland ayaa hore u sheegtay in dadkii lagu laayay xeebaha Nugaal ay ahaayeen kalluumeysato, iyada oo Tukriga ku eedeysay in uu duqeeyay dad rayid ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u jawaabtay Puntland waxay sheegtay in ay dadkaasi ahaayeen burcad-badeedda, balse dowladda Turkiga ayaa dhankeeda ka hadlin arrintaas.

PUNTLAND POST