
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Karkaar ayaa deegaan lagu magacaabo Khayr Kulaal oo ka tirsan degmada Qardho ka dhagax dhigay beer loogu talagalay in lagu beero dalagyo kala duwan oo ay ka faa’iidaysan doonaan Ciidanka Booliska Puntland.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Hoggaanka Baarista Dembiyada, G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud, Kuxigeenka Hoggaanka Kormeerka G/le Cabdirisaaq Axmed Jaamac Maamulka Gobolka Karkaar iyo Degmada Qardho saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintii ka qaybgalay munaasabadda ayaa bogaadiyey qorshahan wax-soo-saarka, horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, iyagoo xusay in uu door muhiim ah ka qaadan doono helitaanka cuntada iyo khudaarta ay isticmaalaan ciidanku. Waxay sidoo kale bulshada iyo ganacsatada ku boorriyeen inay taageeraan dadaallada horumarineed ee Ciidanka Booliska Puntland.
Saraakiisha Booliska ayaa uga mahadceliyey maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho taageerada ay la garab taagan yihiin ciidanka, iyagoo caddeeyey in laga faa’iidaysan doono wax-soo-saarka beeraha si kor loogu qaado nolosha iyo isku-filnaanshaha ciidanka.
Beertan ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay qorshaha horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo ujeeddadu tahay kobcinta wax-soo-saarka, horumarinta dhaqaalaha iyo wanaajinta nolosha ciidanka.
PUNTLAND POST