
Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa markale loo doortay madaxweyanaha maamulka Hirshabeelle ee shanta sano soo socota, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar.
Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo ka socday xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JPS wuxuu helay 81 cod oo ka mid ah xildhibaannada Hirshabeelle oo ka kooban 99 mudane.
Musharrax Nuur Cilmi Calane oo la tartamay ayaa helay 13 cod, waxaana doorashada codeeyay 98 xildhibaan, iyada oo 4 cod ay xumaadeen.
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle waxaa loo doortay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax, kaas oo ka tirsan xisbiga Sincad ee hoggaamiyo Maxamuud Khaliif Jabiye.
Cabdifitaax Afrax waxaa u codeeyay 97 xubnood oo ka tirsan baarlamanka Hirshabeelle, halka musharrax Cabdifataax Baashi Maxamed oo la tartamay uu helay 16 cod, waxaana xumaaday 2 cod.
PUNTLAND POST