
Magaalada Mooyaale oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Kenya ayaa maalintii saddexaad waxaa ka socda dagaal culus oo u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada.
Dagaalka maanta wuxuu ka bilowday gudaha magaalada, waxaana ciidamada Oromada ay dusha sare ee dhismayaasha Mooyaale la koreen qoryaha, si ay halkaas uga toogtaan Soomaalida.
Shacabka Soomaalida ayaa weli is difaacaya, waxaana barakacay dad badan oo ku noolaa magaalada, kuwaas oo gudbay dhanka Kenya.
Dowladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Soomaalida ayaa weli ka hadlin dagaalka maalintii saddexaad galay ee magaalada Mooyaale oo ah magaalo ganacsi oo istiraatiijiya.
PUNTLAND POST