Puntland oo soo saartay digniin ku saabsan barnaamijka lagu dhiso website-yada ee PHP

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa qoraal ay soo saartay waxay ugu digtay dhammaan hay’adaha dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, bangiyada, hay’adaha maaliyadda, shirkadaha teknolojiyadda iyo cid kasta oo maamusha website-yo iyo nidaamyada elektaroonig ah ee ku dhisan barnaamijka PHP.

Digniintan ayaa la xiriirta dal-daloolo amni oo laga soo sheegay luqadda barnaamijyada ee PHP, taas oo si weyn loogu isticmaalo dhismaha website-yada iyo nidaamyada adeegyada elektaroonigga ah.

Daloolladaan oo mid kasta lagu qiimeeyey heerka khatarta CVSS 9.2, ayaa la sheegay in ay suuragelin karto in kooxaha weerarrada internetka ay si aan la ogayn u fuliyan amarro ama barnaamijyo waxyeello leh, taas oo khatar gelin karta xogta, adeegyada iyo amniga nidaamyada.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha ay qusayso u soo jeedissy in ay si degdeg ah u qaadaan tallaabooyinkan:

1. Hubinta nidaamyada: In la baaro dhammaan website-yada, server-rada iyo barnaamijyada isticmaala PHP, lana xaqiijiyo noocyada ay khatartu saameyn karto.

2. Cusboonaysiinta amniga: In si degdeg ah loo dhaqan geliyo cusboonaysiinnada amni ee rasmiga ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha kooxda amniga PHP iyo shirkadaha bixiya adeegyada.

3. Xaddididda khatarta: In si ku-meel-gaar ah loo xaddido gelitaanka nidaamyada khatarta ku jira ama adeegga laga joojiyo haddii aan si dhaqso ah loo sugi karin ammaankooda.

4. La socodka weerarrada: In si joogto ah loo hubiyo diiwaannada server-rada, isku-dayada gelitaanka sharci-darrada ah iyo dhaqdhaqaaqyada aan caadiga ahayn.

5. Xoojinta difaaca: In la adkeeyo ilaalinta website-yada, nidaamyada gelitaanka iyo Web Application Firewall, lana diyaariyo qorshe jawaab-celin degdeg ah haddii weerar dhaco.

PUNTLAND POST