Guuleed Saalax oo farriin u diray madaxweynaha cusub ee Galmudug

Siyaasi Guuleed Saalax Barre ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan in uu mudnaan gaar ah siiyo xoojinta xiriirka Puntland & Galmudug iyo nabadaynta gobolka Mudug.

Guuleed Saalax wuxuu madaxweyne Liibaan ku tilmaamay oday nabaddoon ah oo muddo dheer ka soo shaqaynayey nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida gobolka Mudug.

Wuxuu xusay in uu ku kalsoonahay in waayo-aragnimadiisa iyo dadaalkiisii nabadeed ay saldhig u noqon doonaan hoggaamintiisa, isla markaana uu sii xoojin doono nabadda, wadajirka iyo horumarka Galmudug.

“Galmudug iyo Puntland waxaa ka dhexeeya walaaltinimo, derisnimo iyo dano bulsho oo aan kala maarmin. Waxay maanta si gaar ah ugu baahan yihiin nabad waarta, is-afgarad, iskaashi iyo deris-wanaag ku dhisan is-ixtiraam & walaaltinimo” ayuu yiri Guuleed.

“Waxaan kula dardaarmayaa Madaxweyne Liibaan inuu mudnaan gaar ah siiyo xoojinta xiriirka labada maamul, nabadaynta gobolka Mudug iyo wax kasta oo horseedi kara wada noolaanshaha iyo horumarka bulshada” ayuu raaciyay.

Guuleed Saalax oo ka tirsan Midowga Haybad Qaran ee hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare hore Saacid, wuxuu ka mid ah yahay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee hadana taageerada u muujiyay madaxweynaha cusub ee Galmudug.

PUNTLAND POST