
Golaha Mustaqbalka ayaa si adag u dhaliilay safaradii uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tagay dalalka xiisaddu u dhaxayso ee Itoobiya iyo Masar iyo kulamadii uu halkaas kula qaaday Abiy Axmed, Al-Sisi iyo Afwerki.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif Axmed ayaa sheegay in ay Soomaaliya iyo diblomaasiyadda ceeb ku tahay in madaxweynuhu uu labo guruub oo xoog isaga soo horjeeda isku mar u tago.
Wuxuu intaas ku daray in Golaha Mustaqbalka ay ka soo horjeedaan arrintaas, islamarkaana siyaasadooda arrimaha dibadda ay ku qotonto in aan mushkilada Soomaaliya la dhexgelin tan ka dhacaysa gobolka.
Madaxweyne Xasan Xasan ayaa safaro is xiga ku tagay dalalka Itoobiya iyo Masar, isaga oo kulamo la qaatay Abiy Axmed, Al-Sisi iyo Afwerki, xilli xiisadda gobolka ay marayso meel xasaasi ah.
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Masar, Eleteriya iyo Suudaan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar isku afgartay iskaashi ay yeeshaan dalalkooda, iyada oo Itoobiya ay arrintaas ku tilmaantay mid uu ku khiyaamay madaxwayne Xasan Sheekh.
PUNTLAND POST