
Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa markale ka dhex curtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), kuwaas oo xilka haya muddo dhan sanad iyo labo bilood.
Khilaafka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa ah mid soo noqnoqday oo la sheegay in uu salka ku hayo kala aragti-duwanaansho dhinaca maamulka, awoodaha dastuuriga ah iyo talo-wadaag la’aan ka dhexaysa labada mas’uul ee ugu sarreeya maamulka Waqooyi Bari.
Madaxweyne Firdhiye ayaa maalin ka hor ka soo noqday safar uu muddo dhowr bilood ah ugu maqnaa magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyn loogu sameeyay Laascaanood aan ka qaybgelin ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Abwaan.
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka ayaa la kala safan labada mas’uul, waxaana jira qorshe ay wadaan kuwa la socda Firdhiye oo ay ku doonayaan in ay xasaanadda kaga qaadaan Abwaan, taas oo sababtay in kalfadhigooda oo dhowr jeer baaqday uu weli furmi waayo.
PUNTLAND POST