
Howlgalka Puntland ku furatay markabka Seamull/SIBU 1 oo ay haysatay koox Burcad-badeedda ah ayaa ka dhacay deegaanka Galhagoog oo u dhexeeya Garacad iyo Hobyo.
Markabka SIBU 1 iyo maraakiib kale oo ay haystaan kooxo Burcadbadeed ah oo ka soo cararay xeebah Bari iyo Nugaal ayaa maalin ka hor gaaray xeebaha koonfureed ee Mudug, waxaana ku raad joogay ciidamada badda Puntland ee PMPF.
Puntland ayaa qorsheynaysa in ay xoog ku furato maraakiibta kale ee weli ku jira gacanta Burcad-badeedda, kuwaas oo hadda ku sugan xeebaha koonfurta gobolka Mudug.
Puntland waxay dhawaan shaacisay in ay bilaabayso howlgallo ka dhan ah kooxaha Burcad-badeedda, iyada oo howlgelisay ciidamada PMPF oo wata doonyo casri ah.
PUNTLAND POST