
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uu Burcad-badeedda ula dagaalamo sidii uu ula dagaalamay ururka Daacish.
Wuxuu sheegay in Burcad-badeedda ay caqabad xun ku yihiin sumcadda, hurumarka iyo mustaqbalka Puntland, islamarkaana ay la mid yihiin argagixisada Daacish.
Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay Xaafuun ayaa yiri “Burcad-badeedda waxaan ula dagaalamaynaa sidaan Daacish ula dagaalanay, maxaa yeelay waxay baabi’inaysaa sumcaddeena, waxaan ka shaqaynayno iyo mustaqbalkeena”.
Burcad-badeedda ayaa hadda xeebaha Puntland ku haysta shan markab oo lagu magacaabo Honour 25, Sward, Eureka, Asana iyo Seamull, kuwaas oo ay ka dalbadeen lacago madaxfurasho.
PUNTLAND POST