
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta degmada Baargaal ka dhagaxdhigay daartii uu ka arrimin jiray Boqor Cismaan, taas oo hadda la sheegay in lagu sameynayo dib u dayactir, islamarkaana laga dhigayo Madxaf lagu kaydiyo taariikhda Puntland.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland wuxuu dhagaxdhigay masaajidka daarta Boqor Cismaan oo dib loo dhisayo. Daarta Boqor Cismaan iyo masaajidka ayaa ahaa meeshii u horeeyay Soomaaliya ee Talyaanigu uu duqeyn maraakiib ku weeraray.

Madaxweyne Deni ayaa munaasabadda kaga dhawaaqay in la sameynayo hay’ad ka shaqeysa ururinta iyo illaalinta taariikhda Puntland, si aysan u lumin taariikhda dadka reer Puntland.
Madaxweyne Deni wuxuu dhagaxdhigan sameeyay xilli ay baahiyo badan oo bulsho ka jiraan degmada Baargaal iyo guud ahaan gobolk Raascasayr, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.
Hoos ka daawo muuqaalka Deni
PUNTLAND POST