Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Baargaal iyo Raascasayr

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Baargaal ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka Raascasayr.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee degmada Baargaal iyo guud ahaan gobolka Raascasayr, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaalanka argagixisada, la-dagaalanka Burcadbadeedda, amniga badaha, horumarka  iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira deegaanka korna loogu qaadi lahaa maalgashiga.

Kulnka waxaa ka qaybgalay goleyaal ka tirsan Puntland oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano, taliyaha ciidanka booliska Puntland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.

PUNTLAND POST