DFS oo codsaday in laga taageero la dagaalanka Burcad-badeedda ka jirta xeebaha Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa caalamka ka sodsatay in laga taageero la dagaalanka falalka burcad-badeednimada ee ka jira xeebaha Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay beesha caalamka in ay taageeraan ciidamada Soomaaliya ee ilaalada iyo amniga badda, kuwaas oo ay sheegtay in ay tallaabooyin ka qaadayaan shabakadaha burcad-badeedda, iyaga oo ka howlgalaya badda iyo dhulkaba.

Dowladda Federaalka waxay sheegtay in ay arrintan Burcad-badeedda horgeyn doonto Golaha Ammaanka, islamarkaana ay si dhow ula shaqeyn doonto saaxiibbadeeda gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan iskaashiga lagu sameeyo xeerka anshaxa Jabuuti (Djibouti Code of Conduct) iyo wax ka beddelka Jidda (Jeddah Amendment), si loo sii daayo badmaaxiinta ay saameeyeen falalkan, loona burburiyo shabakadaha Burcad-badeedda.

Sidoo kale waxay tilmaantay in kalluumeysiga sharci darrada ah, aan la soo sheegin iyo kan aan nidaamsanayn (IUU Fishing) uu xadgudub ku yahay xuquuqda madaxbannaanida Soomaaliya ee ku cad Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS).

PUNTLAND POST