
Bannaanbaxyo looga soo horjeeda dowladda Turkiga ayaa maanta dhacay degmooyin ka tirsan maamulka Jubaland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kismaayo iyo Afmadow.
Dibadbaxayaasha ayaa muujiyay in ay ka soo horjeedaan duqeyntii Doolow oo ay hore Jubaland ugu eedeysay Turkiga, iyagoo ku baaqay in la dhowro madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Bulshada bannaanbaxa ka qaybgalay ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha gudaha Soomaaliya ay tahay in Soomaalidu si madax-bannaan uga tashato, ayna muhiim tahay in la ilaaliyo rabitaanka iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed.
Bannaanbaxyada Jubaland ayaa ku soo beegmay xilli dood xooggan ay ka taagan tahay doorka Turkiga ee Soomaaliya. Ankara iyo Muqdisho ayaa leh xiriir dhow oo ay ku jiraan iskaashi dhinacyada amniga iyo difaaca, halka heshiisyada labada dal ay sidoo kale dhaleeceyn iyo taageero kala duwan ka dhex abuureen bulshada Soomaaliyeed.







PUNTLAND POST