Puntland oo sheegtay in ay lacag la’aan ka dhigayso dugsiyada hoose/dhexe

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shaaciyay in ay dowladdu dhawaan lacag la’aan ka dhigi doonto dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland.

“Waxaa hadda dowladdu wadaa oo dhaqso u hirgeliya in ay dugsiyada hoose/dhexe oo dhanka lacag la’aan ka dhigto guud ahaan Puntland” ayuu yiri wasiir Qarjab oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garoowe.

Wuxuu sheegay in ay qorshahan ka faa’iideysan doonaan qoysaska agoonta iyo kuwa danyarta ah ee aan awoodin in ay carruurtooda ka bixiyaan lacagta dugsiyada hoose/dhexe.

Wasiir Qarjab wuxuu tilmaamay in miisaaniyadda qorshahan lagu hirgelin doono ay iska shaashan doonaan dowladda iyo shacbka Puntland.

PUNTLAND POST