
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Iskushuban ee gobolka Bari, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Deni ayaa caawa degmadaas ku hoyan doona, isaga oo kulan la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada Iskushuban.
Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu berri u safro degmada xeebeedka Xaafuun ee gobolka Bari, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono qaybaha kala duwan ee bushada degmadaas.
Madaxweyne Deni ayaa tan iyo shalay safar ku marayay degmooyinka gobolka Bari ee laamiga ka baxsan, waxaana ujeedka safarkiisa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda deegaannada iyo degmooyinka gobolka.
PUNTLAND POST