Warbixin ku saabsan saldhigga Maraykanka ee Boosaaso

Warbaahinta baaritaanka sameysa ee Drop Site News oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa warbixin ka qortay saldhigga milatari ee Maraykanku ka sameysanayo Puntland.

Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Maraykanka ay dhisayso ama u ballaarinayso saldhig milatari oo ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, kaas oo aad ugu dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed.

Ujeeddada Saldhigga

Goobtan ayaa loo adeegsan doonaa sidii xarun muhiim ah oo laga hago duqaymaha cirka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo hawlgallada sirdoonka ee ka dhanka ah kooxaha ISIS-Soomaaliya iyo Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysta buuraleyda gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in saldhiggan lagala socon doono dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen iyo amniga Gacanka Cadmeed.

Dagaalka Ka Dhanka Ah ISIS iyo Tora Bora-da Soomaaliya

Warbixntu waxay xustay in hawlgallada ugu muhiimsan ee saldhiggan laga hago ay diiradda saaraan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Mas’uuliyiinta amniga ee Puntland waxay goobtan ku tilmaameen mid la mid ah buurihii Tora Bora ee dalka Afgaanistaan, sababo la xiriira godadka iyo dhagaxaan waaweyn oo ay adagtahay in ciidanka dhulka ay galaan.

Duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka (drones) ee ka kaca saldhigga Boosaaso iyo garoomada kale ee gobolka ayaa la sheegay inay daciifiyeen awooddii kooxda ISIS-Soomaaliya, iyadoo la rumbaysan yahay in inta badan dagaalyahannadii rasmiga ahaa ee kooxdaas lagu dilay duqaymo cirka ah.

Warbixintu waxay sheegtay in ka badan 205 duqaymo cirka ah oo dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) uu Maraykanku fuliyay muddooyinkii u dambeeyay, iyadoo in ka badan kala bar duqaymahaas lala beegsaday kooxda Daacish.

Wejiga Cusub ee Hawlgallada CIA-da

Hey’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa dhex degtay saldhigga (garoonka diyaaradaha Boosaaso), waxayna u isticmaashaa xafiis gaar ah oo lagu baaro laguna su’aalo weydiiyo maxaabiista heerka sare ah ee laga soo qabto kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Warbixintu waxay daaha ka qaadday in ka dib marka maxaabiista lagu baaro Boosaaso, qaarkood si qarsoodi ah loogu duuliyo dalka Jabuuti, halkaas oo Maraykanku ku leeyahay saldhigga weyn ee Camp Lemonnier, si loogu sii hayo ama loogu qaado maxkamad. Tusaale waxaa loo soo qaatay sarkaalkii sare ee Daacish ee lagu magacaabi jiray Cabdiweli Walalac.

Cabsida Isbahaysiga Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Sababta ugu weyn ee Maraykanku hadda u doorbiday inuu saldhig xooggan ka dhisto Boosaaso waa juqraafiga magaalada oo xiriir toos ah la leh Gacanka Cadmeed.

Sirdoonka Maraykanka ayaa helay xog muujinaysa inay jirto iskaashi hoose oo soo koraya oo dhexmaraya Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab. Waxaa jirta cabsi laga qabo in Xuutiyiintu ay Al-Shabaab siiyaan gantaallo, diyaarado drone ah, ama qalabka badda lagu weeraro, taas oo halis weyn ku ah maraakiibta caalamiga ah ee maraya marin-biyoodka ugu muhiimsan aduunka.

Saamaynta Siyaasadeed iyo Khilaafka Muqdisho iyo Garowe

Warbixintu waxay tilmaantay in tallaabadan ay AFRICOM iyo CIA-du heshiiska tooska ah ula galeen maamulka Puntland ay si weyn u wiiqayso awoodda iyo maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Sharciga Soomaaliya uma ogola maamul goboleedyada inay xiriir milatari iyo heshiisyo difaac la galaan quwado shisheeye iyadoo aan laga qaybgalin dowladda dhexe. Tani waxay dhalisay khilaaf siyaasadeed oo hor leh iyo madax-xanuun dhanka sharciga caalamiga ah, sida lagu sheegay warbixinta.

PUNTLAND POST