Madaxweyne oo safar ku maraya degmooyinka gobolka Bari ee laamiga ka baxsan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku marayo degmooyinka gobolka Bari ee laamiga ka baxsan ayaa caawa ku hoyday degmada Ufeyn.

Ujeedka safarka madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda deegaannada iyo degmooyinka gobolka Bari, iyada oo safarkaas loogu magac-daray “guusha Calmiskaad iyo adkeynta amniga ee gobolka Bari”.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu safarkiisa ku maro degmooyin ay ka mid yihiin Balidhidhin, Iskushuban iyo Xaafuun.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah goleyaasha dowladda, la-taliyeyaal madaxweyne, agaasinka madaxtooyada iyo saraakiil ciidan.

PUNTLAND POST