
Jubaland ayaa si adag u cambaaraysay duqeyntii xalay ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lala beegsaday guriga uu degmadaas ka degan yahay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Jubaland waxay sheegtay in weerarkaas uu ahaa labo gantaal oo mid kamid ah uu ku dhacay guriga Gudoomiyaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna ku eedeysay in ay gaysteen diyaaradaha dagaalka dowladda Turkiga.
Jubaland waxay tilmaantay in weerarka ay ku dhaawacmeen Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya iyo afar qof oo shacab ah, iyada oo dhacdadan ku tilmaantay dambi dagaal oo ay tahay in lagula xisaabtamo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda Turkiga.

Jubaland ayaa ugu baaqday daneeyayaasha Soomaaliya sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Maraykanka iyo Midowga Yurub in il gaar ah lagu eego falalka aan caadiga ahayn ee Turkigu qaybta ka yahay, kuwaas oo ay sheegtay in aysan ku jirin danta dadka Soomaaliyeed iyo mida gobolka.
Sidoo kale Jubaland waxay sheegtay in arrintan ay horseedayso in dowladda Turkiga aan loo arki doonin wixii hadda ka dambeeya in ay qeyb ka noqon karto dadaalada xal raadinta iyo dhexdhexaadinta arrimaha gudaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST