Puntland oo ka hadashay howlgallo ka socda Calmiskaad

Taliyaha Aaga Calmiskaad G/Sare Maxamuud Shire Maxamed ayaa ka hadlay howlgallo ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan ururka Daacish.

Taliyaha ayaa sheegay in uu xalay isqarxiyay nin ajnabi ah oo ka tirsanaa argagixisada Daacish, kaas oo doonayay in uu miino ku aaso wadada u dhexeysa Sheebaab iyo Dhaadaar. Wuxuu sheegay inta uusan isqarxin ha hor in ay dhaawaceen ciidamada Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay maanta ciidamada Puntland howlgallo baaxad leh oo ka dhan ah Daacish ka bilaabeen deegaanno kala duwan oo ka mid ah Calmiskaad, kuwaas ay ka mid yihiin Daboorad, Dhidganlle, Geel-lagu-qal, Ina Ciddoole iyo Afka Dibi-Ganuun.

PUNTLAND POST