
Maamulka Koonfur Galbeed ee hoggaamiyo Aadan Madoobe ayaa war uu goordhaweyd soo saaray ku sheegay in la soo afjaray dagaal xoogan oo muddo dhowr saac ah ka socday magaalada Baydhabo.
Maamulka Aadan Madoobe wuxuu ciidanka weerar soo qaaday ku tilmaamay Al-shabaab, iyaga oo sheegay in ay soo bandhigi doonaan maydadkooda.
Dagaal xoogan oo bilowday saaka hiirtii hore ayaa ka dhacay gudaha Baydhabo iyo hareeraheeda, kaddib markii ay magaaladaas weerar ku soo qaadeen ciidan daacad u ah maamulkii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Dagaalka Baydhabo wuxuu sababay khasaare badan oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, kuwaas oo aan weli tirakoobkooda rasmi ah la shaacin.
Dhowr dagaal oo noocaan ah ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo tan iyo intii meesha laga saaray maamulkii Laftagareen, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.
PUNTLAND POST