
Puntland ayaa mamnuucday in hub sharci darro ah lagu qaato ama lagu dhex wato magaalooyinka, iyada oo hay’adaha amniga iyo caddaaladda lagu amray in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci darro ah gudaha deegaannada Puntland.
Sidoo kale Puntland waxay joojiyay in gudaha deegaannadeeda la soo geliyo gaadiid loo isticmaali karo in lagu xiro hub ama agab ciidan, iyada oo hay’adaha amniga amar buuxa lagu siiyay in ay la wareegaan wixii gaadiid ciidan oo sifo sharci darro ah ku soo gala gudaha Puntland.
Waxaa la sheegay in gaadiid ciidan lagu keeni karo oo kaliya in ogolaansho laga helo taliska ciidanka, uuna saxiixo madaxweynaha Puntland.
Go’aannadan iyo kuwa kale waxay ka soo baxeen shir shalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo guddoomiyay madaxweyne Deni, kaas oo looga hadlay amniga gobolka Bari.



PUNTLAND POST