
Wasiirka Boqortooyada Biritayn u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika, Kirsty McNeill oo Muqdisho soo gaartay ayaa shalay kulan la qaadatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Qoraal maanta ka soo baxay safaaradda Boqortooyada Biritayn ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay muhiimadda ay leedahay wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo helo Soomaaliya oo xasilloon.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga u dhexeeya Boqortooyada Biritayn iyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa yimid xilli lagu wado in ay Beesha Caalamka markale isu keento dowladda federaalka iyo mucaaradka si ay isugu raacaan geeddi-socod doorashooyinka Soomaaliya.
PUNTLAND POST