Madaxweyne Deni oo booqanaya Dhinowda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ku hoyday degmada Towfiiq ayaa lagu wadaa in uu maanta tago deegaanka Dhinowda ee cirifka koonfureed, halkaas oo qariyay bacaad ku soo rogmaday.

Madaxwayne Deni oo ilaa shalay waday nabadaynta beelaha Sheekhaal iyo Sure ayaa dadka deegaanka Dhinowda kala hadli doona nabadda iyo sidii wax looga qaban lahaa bacaadka qariyay deegaankaas.

Safarka madaxwayne Deni uu ku marayo barriga gobalka Mudug ayaa qaatay maalintii 4-aad, waxaana lagu wadaa in uu sii socdo ilaa berri oo uu ku soo gabagabeeyo deegaanka Garacad.

PUNTLAND POST