
Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwad la xiriirtay doorashooyinkii isku-sidkan ee golaha wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Galmudug.
Maxkamadda Sare ee Faderaalka waxay go’aamisay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadeedu aysan lahayn jiritaan sharci ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka in uu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah qabto doorashooyinka golaha wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee Galmudug, iyadoo la dhowrayo dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka quseeya.
Natiijada doorashada la laalay ee Galmudug waxaa inta badan helay ururka dowladda ee JSP, waxaana dacwad ka gudbiyay Sheekh Shaakir oo hoggaamiya ururka Towfiiq.
PUNTLAND POST