
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka sheegay in la joogo xilligii dib loo fiirin lahaa gobolka Mudug oo ay degmada Jariiban noqon lahayd gobol gaar ah oo ka go’a Mudug.
Wuxuu tilmaamay in degmada Jariiban ay ka weyn tahay inta badan gobollada Puntland sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana ay dhaqaalo ahaan isku fulin tahay oo ay ku yaallaan ilo dhaqaale oo muhiim ah oo ka mid tahay dekedda Garacad.
Madaxweyne Deni ayaa xalay hadalkan ka jeediyay deegaanka Bali-busle ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug, halkaas oo uu kulan kula qaatay bulshada deegaankaas.
Madaxweynaha Puntland oo ilaa shalay safar ku marayay barriga gobolka Mudug ayaa maanta gaaray degmada Jariiban, isaga oo berrina lagu wado in uu tago magaalada dekedda leh ee Garacad.
PUNTLAND POST