Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay bulshada deegaanka Bali-busle ee degmada Jariiban

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku maraya barriga gobolka Mudug ayaa xalay ku hoyda deegaanka Bali-busle ee degmada Jariiban, isaga oo kulan la qaatay bulshada deegaankaas.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee degsiimada, gaar ahaan arrimaha nabadda, xasilloonida, wadajirka bulshada iyo baahiyaha horumarineed ee deegaanka, waxaana madaxweynuhu ku boorriyey bulshada inay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga iyo ilaalinta nabadda, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo nolol bulsho oo wanaagsan.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale xarigga ka jaray Ardaagga Nabadda ee Jaamac Biixi, oo ah madal loo aas-aasay xoojinta nabadda, isu-soo-dhoweynta iyo wadajirka bulshada.

Ardaaggan waxaa aas-aastay Marwo Caasha Uunlaaye, oo ka mid ahayd aas-aasayaashii Dowladda Puntland, isla markaana ka mid ah ganacsatada reer Gaalkacyo. Madashu waxay qayb ka qaadan doontaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha iyo isku-xirnaanta bulshada deegaanka.

Madaxweyne Deni ayaa ku wajahan degmada jariiban iyo deegaanka Garacad, isaga oo kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka.

PUNTLAND POST