Dowladda Federaalka oo dhexdhexaadisay Burcad-badeedda iyo Turkiga

Markabka ay haysato Burcad-badeedda ee Lutuf oo ay la socdaan labo markab oo Turkigu leeyahay ayaa ka tegay deegaanka Garmaal, isaga oo u jihaystay dhanka xeebaha degmooyinka Eyl iyo Godobjiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Burcad-badeedda ay markabkaas ka degayso 24 saac ee soo socda, iyaga oo ku wareegaya markabkii ay ku soo qabsadeen ee MV Sward oo isna la socda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhexdhexaadiyay Burcad-badeedda iyo Turkiga, waxaana wararka qaar sheegayaan in kooxda Burcad-badeedda ah la siinayo lacag madax-furasho ah oo ka badan 1 milyan oo doolar.

Puntland ayaa xalay sheegtay in ay baaritaan gaar ah ku hayso xogo sheegaya in ay jiraan awoodo ka baxsan Puntland oo qayb ka ah hawlgalada cusub ee Burcad-badeedda, kuwaas oo gabaad looga dhiganayo masaaliix siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Puntland waxay hore ugu eedeesay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku lug leedahay falalka Burcad-badeedda ee dib u soo labakacleeyay.

PUNTLAND POST