
Kaddib muddo saddex berri ah oo ay go’doon ahaayeen kooxda Burcad-badeedda ah ee haysata markabka Lutuf ayaa hadda qarka u saaran in ay si nabad ah uga degaan markabkaas.
Wararka ayaa sheegaya in Turkiga uu kooxda Burcad-badeedda ah u ogolaaday in ay si nabad ah ugu wareegaan markabkii ay ku soo qabsadeen ee MV Sward.
Markabkan oo sida qalab ay leedahay dowladda Turkiga waxaa go’doomiyay labo markab oo kuwa dagaalka ah, kuwaas oo diiday in uu wax dhaqdhaqaaq ah sameeyo ama wax adeeg ah la saaro.
Markabka Lutuf waxaa saaran labo ruux oo meyd ah, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen ilaalo dagaalantay markii ay Burcad-badeeddu weerartay.
PUNTLAND POST