
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho ayaa ka horyimid doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho, taas oo lagu doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Golaha Mustaqbalka waxay sheegeen in Golaha Shacabka uusan lahayn sharciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub, islamarkaana uu muddo-xileedkoodii ku ekaa 14-kii Abriil 2026.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa lagu yiri “Muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ku ekaa 14-kii Abriil 2026, sidaa darteed Golaha Shacabka ma lahan sharciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub, mana yeelan karo awood muddo kordhin”.
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, xilkaas oo uu banneeyay Aadan Madoobe oo noqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST